MA BANNAAN TAHAYIN QOFKU YIRAHDO LACAG IGASII XAWIL,,

bismilahi raxmaaniraxiim,...alxamdulilahi rabilcalamin,.wasallalaahu calayhi wasalim...,.

Ma bannaan tahay in ruuxu ku yiraahdo qofka lacagaha u xawila dalkii 
iwm: Iga dir $3000 iwm, isagoo aan lacagta markaa dhiibaynin ee 
waqti kale keenaya?.
 
Su'aashan ayaa waxaa la I waydiiyey intii aan safar dawco (diin) ku 
joogay South Africa, bishii January ee sannadkan 2013. Waxana 
walaalihii I waydiiyey ay iga codsadeen in jawaabtu ay qoraal noqoto. 
Maadaama ay yihiin rag aanan codsigooda dib celin karin, ayaan ka 
aqbalay in jawaabtaydu ay noqoto mid aan ku soo gudbiyo qaab qoraal 
 ah.
 
 Haddii aan si kooban uga jawaabo su'aashaas waxaan leeyahay:
Arrintaan ah in lacagaha loo xawilo meel ka mid ah dalka markaa la 
joogo ama dal kale iyo qaybaha ay arrintaasi leedahayba waa arrin ku 
cusub fiq-higa islaamka, oo qaabka ay hadda leedahay ma ahayn wax 
laga dheregsan yahay oo la yiqiin. Way jiri jireen wax ay iskala mid yihiin 
dhinacyada qaar, laakiin xawilaadda ay sameeyaan bankiyada iyo 
shirkadaha xawilaaddu waa arrin ka kooban dhawr waxyaabood oo isku 
 tegey, oo mid walbaaba uu xukun ku leeyahay fiq-higa islaamka. 
Inta aanan jawaabta toos u gelin, oo aanan abbaarin xukun sheegista 
 ayaan waxan jeclahay inaan wax yar oo gogol-xaar ah ka hormariyo.

 Lacagtii la isticmaali jitey bilaawgii Islaamka:

Dahab iyo qalin

Carabtu waxay lacag ahaan u isticmaali jireen Islaamka hortii lacag ka 
samaysan dahab iyo qalin oo aysan iyagu samaysan ee kaga imaan jirtey 
ummadihii la deriska aha (Roomanka iyo Faarisiyiinta). Sidaas iyadoo ah 
ayaa Islaamku yimid, wuxuuna dadka u daayey lacagihii ay isticmaali 
 jireen.
Laakiin diintu waxay sharciyo u dejisay (sida ay wax walbaba u habaysay) 
sida sida lacagahaa la isugu bedelan karo, ha ahaadeen laba lacagood oo 
isku wax ka samaysan sida dahab oo kale ama ha noqdeen kuwo ka 
 samaysan macdan kala duwan sida dahab iyo qalin. 
Sidaa awgeed waxaa shardi laga dhigay oo axaadiis badani ku soo 
aroortay in haddii labada lacagood ay dahab wada yihiin ama qalin in 
aysan kala badnaan iyo in isla markaana lala kala wareego iyadoo aan 
 midkood ama labadoodaba dib laga keenaynin.

Haddii ay labada lacagood dahab iyo qalin kala yihiinna waxaa shardi 
laga dhigay in marka lagu heshiiyo in labada lacagood midkood lagu 
bedesho midka kale isla goobtaasba lagu kala qaato labada lacagood. 
Sida qof rabey inuu dhawr diinaar ku bedesho dhawr dirham, marka 
sarrifka la isku afgarto waa in qof walbaaba la wareego lacagta uu 
qaadanayo. Haddii aan laga soo bixin shuruudaas, lana kala bedesho 
lacagahaas waxaa lagu dhacayaa RIBO! Oo ka mid ah dembiyada ugu 
 waawayn uguna foosha xun oo la galo.

"Fuluus" lacag ka samaysan macdan aan dahab iyo qalin toona ka 
 samaysnayn.

Muddo markii la isticmaalayey lacagahaas ka samaysan dahabka iyo 
qalinka oo ay ahaayeen lacagaha ugu muhiimsan oo la isticmaalo ayaa 
waxaa soo kordhay isticmaalka lacag bir ka samaysan oo aan dahab iyo 
qalin toona ahayn, waxana lagu magacaabi jirey 'FULUUS'. Markii ay soo 
shaac baxday lacagtaas aan waagii hore (islaamka hortiis iyo 
billawgiisiiba) aan sidaas loo isticmaali jirin ayaa culummadu (laga soo 
bilaabo qayb taabiciinta ka mid ah) waxay ka hadleen xukunkii ay yeelan 
lahayd, iyo meeshii salka loo gelin lahaa. Markaas ayaa qolo walbaaba meel ku dhufteen. Qolo tiraahda lama siinayo fuluusta oo yeelan mayso 
wixii axkaam ahaa oo ay lahaayeen dahabka iyo qalinku, sidaas 
awgeedna RIBO ma gasho. Sidaasna waxaa yiri culummadii salafka 
intoodii badnayd, iyo weliba culummada fiq-higa intooda badan(1
). Taas 
macnaheedu waa in lacagtaas mid kale lagu sarrifan karo iyadoo aysan 
qasab ahayn in goobtaas lagu kala qaato ee qaar dib laga keeni karo.
Meesha kuwaasi sidaas ka yiraahdeen qolo kale ayaa waxay tiri: waxay 
qaadanaysaa axkaamtii ay lahayd lacagta ka samaysan dahabka iyo 
 qalinka.

 Lagacagaha warqada ka samaysan.

Haddana markii ay soo baxday in waxa wax lagu qiimeeyo oo wax lagu 

kala gato ay noqdeen lacagahaan warqadda ah oo qolo walbaaba mid 

iyada u gaar ah samaysatay ayaa haddana culummadu waxay isku 
qabteen xukunka ay yeelanayso, qolobana meel ayey ku dhufteen, 
 laakiin marka warka culummada la soo duuduubo:
B) Qolo waxay sheegeen in lacagahan ay noqonayaan kuwo inta badan 
aan lahayn tilmaamihii ay lahaayeen lacagaha ka samaysan dahabka iyo 
qalinka, sidaa awgeedna aysan Ribo gelaynin, oo sidii la rabo loo kala 
bedelan karo(2
). Weliba shiikh culummada ka mid ah ayaaba wuxuu ka 
dhigay culummada sidaas qabta inay yihiin culummada intooda badan!, 
isagoo marka uu fiiriyey wararkii culummadii hore ay yiraahdeen kala 
soo dhexbaxay inay intooda badani sidaas qabaan(3
). Marka sidaas la 
raaco wax dhib ah kuma jirayaan arrinta ah "lacagta iga sii dir". 
Warkooduna aad ayuu u xoog badan yahay. 
 
T) Qolo kale waxay yiraahdeen: in aysan arrintu siddaas ahayn oo ay 
lacagihii dahabka iyo qalinka ahaa ay lacagtan warqadaha ahi kala mid 
tahay meesha ugu muhiimsan oo ay tahay in laga eego, ayna ka 
 
1
 
 
2
النقىد وذقلة قُوح العولح ، لوحوذ األشقر )822(، الفائذج الوصرفُح وعالقرها تالرتا وذطثُقاخ الوصرفُح اإلسالهُح، لشُخنا عثذ اهلل . 
 تن َىسف الجذَع )ص117-37( والطثعح الرٍ عنذٌ طثعح ذجرَثُح خاصح السرشارج العلواء وأصحاب الفكر، ولُسد للنشر العام.
3
 هعاهالخ األهىال، لعثذ اهلل تن تُح )ص 28( . midaysan yihiin lacagaha ka samaysan dahabaka, qalinka iyo warqadaha 
xagga lacag nimada oo iyaga wax walba lagu qiimeeyo, sidaas awgeedna 
ay ribadu gelayso oo aysan bannaanayn in lacag sida Euro aan laga sarrifi 
karin mid kale iyada oo aan goobta lagu heshiiyey aan lagu kala 
qaadanaynin. 
Sidan waxaa qaba culummada casrigaan intooda badan, waxaana sidaas 
go'aan ahaan u qaatay golayaal kala duwan oo fiq-higa lagu gorfeeyo, 
sida golaha fiq-higa islaamka nr.9, kalfadhigiisii saddexaad . Waxayna 
yiraahdeen in lacag walbaaba ay tahay (sida shilinka doollarka, euro-ga 
iwm) ay tahay mid ka madax-banaan lacagaha kale, sida ay u kala 
madax-banaanaayeen dahabka iyo qalinku, oo sidaas awgeed lacag 
walba in mid kale lagu sarrifan karo, laakiin ay lagama maarmaan tahay 
 in goobtaas lagu kala sarriftay lagula kala wareego.
 
Marka la raaco ra'yigaan dambe waxaan bannaanayn in qofka laga diro 
tusaale ahaan lacag Doollar ah, laguna ballamo in uu dayntaas ku bixiyo 
lacag kale sida Euro, Pound, iwm, iyadoo markaas la ballamay aan 
lacagta goobtaas lagu bixinaynin, ee inta la isla ogolaado inta la iska rabo 
iyadoo loo fiirinayo inta markaa uu sarrifku marayo, ka dibna sidaa lagu 
 kala tago, goor dambena dayntii la dhiibo.
Haddii ra'yiga culummadaan dambe laga ambaqaado, lana damco in 
laga jawaabo mas'aladii aan soo sheegnay, waxay jawaabtu 
 noqonaysaa sidaan: 
Marka hore arrintaan ah in qofku yiraahdo "iga sii dir lacag intaas ah" 
waa arrin baahsan oo ay isticmaalaan dad aan yarayn oo ka mid ah 
bulsho waynta Soomaaliyeed sababo kala duwan awgood. Waxaa ka mid 
ah sababaha sidaas loo sameeyo iyada oo qofku uusan isla waqtiga uu 
rabo in lacagta laga diro uusan lacagta gaarsiin karin qofka lacagta ka 
 diraya, amaba uusanba haysan lacagta uu rabo in laga diro.
Marka dadka lacagaha laga dirayo, waxay lacag diristu u dhacdaa saddex 
 qaab midkood:1.In qofku uu ka codsado in qofka lacagta ka dirayaa uu qaddar lacag ah 
ka diro isaga oo aan warsanayn inta ay noqonayso lacagta uu rabo in 
laga diro marka loo bedelo lacagta laga isticmaalo dalka uu joogo oo lagu 
daray khidmada lacagta loogu xawilayo. Sida qof kula ballamay lacag 
xawilaha inuu bil walba ka diro lacag go'an, oo marka laga diro ka dibna 
iska bixiya dayntii lagu lahaa. 
Marka xaaladdu sidaan tahay qofka lacagta laga diray waxaa lagu 
leeyahay lacagtii laga qaatay meeshii uu wax u diray oo lagu daray 
khidmadii lagu diray =$310. Marka uu iska gudayana wuxuu taa 
bedelkeeda dhiibi karaa lacagta dalka uu joogo, iyadoo lagu qiimaynayo 
intii labadoodu ay isla gartaan, ha noqoto sarrifkii ay wax maraayeen 
maalintii lacagta laga diray ama ha noqdo sarrifka lacagta ee maalinta ay 
kala qaadanayaan daynta iyadoo lagu dhiibayo lacag ka bedelan middii la 
daynsaday (
4
). 
Qayb yar oo culummada ka mid ah ayaa waxay yiraahdaan marka daynta 
lacag ka bedelan tii la daynsadey lagu dhiibayo waxaa qasab ah in sicirka 
la dhiibayaa uu noqdo halka sarrifku uu marayo waqtiga daynta la kala 
qaadanayo, ee uusan noqon kii maalintii lacagta la dirayey. Laakiin sidaas 
waa laga raajixsan yahay. Xadiiska C/laahi bin Cumar (a.k.n) oo ay 
daliishadaanna waa mid tabardaran. Halkaanna kuma wada sheegi karo 
wixii ay yiraahdeen, wixii ay daliishadeen iyo weliba wixii looga 
jawaabey. 
Qofka dersa(y) fiq-higa wuxuu arrintaa ku cilladayn karaa dhowr 
 waxyaabood, waxana ka mid ah arrintaan soo socda:
- lacagtaas la daymiyey haddana laga diray iyadoo laga qaaday 
khidmo waa dayn dheef u soo jiidday qolada wax daymisay, waxaana 
ay sheegaysaa qaaciddo fiq-hi ah in "Dayn kasta oo dheef u soo jiidda 
qofka daynta bixiyey waa RIBO" sidaas awgeed waa xaaraan 
 arrintaasi.
 
4
انظر: 
 Arrintaas jawaabteeda iyo cillad-bixinteedu waa: in khidmada qofka 
looga qaaday in lacagta loo diro aysan ahayn mid looga qaaday in lacag 
la daymiyey awgeed, ee waa lacag looga qaaday shaqo loo qabtay oo ah 
lacag xawilidda. Waxana isku mid ah oo qofka laga qaadayaa khidmada 
haddii uu keenay lacagtii laga dirayey oo kaash ah iyo haddii la 
daymiyeyba. Sidaas awgeed qaaciddadaasi meeshan kuma shaqo lahan. 
Intaa waxaa dheer in arrintu aysan mar walba sidaas ahayn, ee ay jiraan 
marar ay dayntu dheef soo jiidayso isala markaana aysan wuxu Ribo iyo 
 xaaraan noqonayn.
 
 
 
 
2. In qofku uu warsado qofka lacagta ka diraya inta ay noqonayso lacagta 
uu rabo inuu diro marka loo bedelo lacagta laga isticmaalo dalka uu 
joogo oo lagu daray khidmada lacagta loogu xawilayo. Tusaale ahaan: 
saddex boqol oo doollar ayuu wuxuu rabaa inuu beeri u diro waalidkiis 
ama ilmihiisa iwm oo jooga Soomaaliya, wuxuuna qofku joogaa England, 
wuxuu rabaa in loo sheego inta lagu dirayo lacagtaas (inta sarrifku 
maalintaas marayo oo lagu daray khidmada lacagta loogu xawilayo) 
Waxaa loo sheegayaa inta lacagtaasi ay tahay oo Pound ah (£190). Ka 
 dibna wuxuu codsanayaa in lacagtaas laga diro.
Sidaan dambe (nr.2) marka ay wax u dhacaan oo labada qof ay isla sii 
ogaadaan inta aan weli wax la kala daynsan in haddii dayntu dhacdo ay 
ballantu tahay in qofku uu dayntaa (doollarkii laga diray) ku gudi doono 
lacagta dalka uu joogo. Marka sidaas ay xaaladdu tahay way bannaan 
 tahay in sidaas la sameeyo oo qaabkaas wax la isaga diro.
Sababtoo ah labada qofood ma ahan kuwo wax kala sarrifanaya, oo 
qofka wax laga dirayo wax dayn ah laguma lahan ee mid walbaaba midka 
kale wax ayuu u ballanqaaday (dayn ay ka dambayn doonto in lagu 
bixiyo lacag ka bedelan middii lagu bixiyey ), oo sidaa awgeed wax kala sarrifasho markaa ma jirto, ee waxaa jira ku ballamid in 
lacagta daynta noqon doonta lagu gudo lacag nooceeda ka bedelan. In 
sidaas lagu sii ballamo wax dhib ah ma lahan haddii aysan qasab ahayn 
in ballantaasi sidaas u dhacdo (
5
). 
Mar aan waydiiyey dad u shaqeeya shirkado kala duwan oo xawaaladaha 
ah in haddii ay qofka lacag ka diraan (tusaale ahaan: $3000+ 30 khidmo 
ah), ka dibna qofku uu u keeno lacagtii laga diray oo sideedii ah oo loo 
sarrifin lacagta dalka la joogo (tusaale ahaan wuxuu keenay : $3000+ 30 
 khidmada ahayd) in ay sidaas aqbalayaan, oo wax dhib ah aysan ku jirin.
 
3.In qofka lacag laga diro, marka daynta lagu yeesho ka dibna uu qofkii 
ka diray kula heshiiyo inuu daynta ku bixiyo lacag aan ahayn noocii laga 
diray, sida lacagta dalka uu markaa joogo, isaga oo aan isla markaas 
dayntii bixinaynin. Marka ay xaaladdu sidaas tahay waa marka ay 
culummadu (qoladii labaad) yiraahdeen waa xaaraan, markaa waxaa 
lagu dhacayaa Ribo. 
 
F.G. Haddii qofka lagu lahaa ($600) oo uu damco inuu dayntii isaga gudo 
lacag Euro, ama shlin ah iwm laakiin uu haysto wax u dhigma ($300), 
uuna rabo inuu dayntii barkeed iska dhiibo, wuxuu samaynayaa inuu 
dhiibo wax u dhigma ($300) oo lacagta uu haysto ah. Saddexda boqol oo 
kale oo ku dhimanna loo bedeli mayo oo loo sarrifi mayo lacagta uu rabo 
mustaqbalka ku gudo, ee waxaa lagu lahaanayaa iyadoo isla sideeda ah 
($300). Ka dibna marka uu lacag soo helo ayuu leeyahay meeqa ayuu 
sarrifkeedu noqonayaa si aan isaga dhiibo, marka loo sheegana halkaa 
ayuu isaga bixinayaa, oo ku dayn-baxayaa. 
 
5
 انظر:األم، لإلهام الشافعٍ )33/3(، الوحلً،التن حزم )313/8(، فقه الوعاهالخ لوجوىعح هن الوؤلفُن )838/1(، 
الفراوي االقرصادَح لوجوىعح هن الوؤلفُن -الفرىي رقن ) 33 ( لنذوج الثركح السادسح-
 
 .  
Warka markala soo duuduubo waa in ay bannaan tahay arrintaa la I 
waydiiyey, wax xaaraan-nimo ahna aysan ku jirin, marka xaaladdu 
tahay nr.1 ama nr.2 . Xaaladda nambarka (3-aadna) aysan bannaanayn 
marka la raaco culummada qaybtii (T). Qofkii ku qanacsan qolada qaybta 
koowaadna (B) wuxuu mar walba aaminsan yahay inay arrintaasi wada 
 xalaal tahay xaalad walba oo ay ahaataba (nr.1. nr.2 ama nr.3). 
 
Sidaas marka aan leeyahayna waxan ogahay in dadka qaar ay is tusi 
karaan sidaas si ka duwan, laakiin markii aan mas'alada rogrogay oo 
dhinacyo badan ka fiiriyey isla markaana dhawr jeer ku noqday kutub 
kala duwan oo arrimahan oo kale ku fara-dhuudhuuban ayaa sidaasi ay ii 
soo baxday. Cilmi dhammaystiran oo aan nusqaan lahaynna Alle (c.n.k) 
 ayaa leh.
 wasalalhu calayhi wasalim,...
 
 W.Q: Sh Cusmaan Cali Faarax
1171 83 oo ku beegan 2 February 2013. 
 Birmingham- England
 

  
X