Xijaabka Yaa U Xiray Q2aad????!!!!!!

Xijaabka Yaa U Xiray ?!!!..(2)  

Qore Sheekh Maxammad Idiris

——————————————

(Asxaabey Sheekadii (Qamar) iyo walaasheed (Cadar) qaybtii 1aad waxaan ku istaagney, Iyadoo Qamar aabeheed xoog loo sheegtay, maxkamad la geeyey, khasab xaaskiisii looga furay, caruurtana inaanu dib u sheegan karin, agtoodana soo mari karin laga saxiixay, ayaan ku istaagney, Qaybtanna nuxurkeeda waa cibrada ku jirta dadku markey waxaaney aqoon u lahayn la colloobaan, iyo hanuunka inaan cidina celin karin).. Qamar oo sheekadii sii wadda wexey tiri:

Sheekh marka Hooyo khasab Aabe lagaga furayo, hooyadeey waa uur 6 bilood ah, waana anigaan kula hadlaya waxa ay caloosha ku sido, markiii ay I dhashay hooyaday wax yar kadib qabtiii ayaa dhacday, aabaheey dhinac ayuu u qaxay, Hooyo laakiin awoowgeey oo hooyo abtigeed ah xertiisii macal hooyaday oo aniga iyo gabadha iga wayn heysata, dhan kale ayaan u qaxnay, dib dambana laysuma arag ilaa ay sannada badan kasoo wareegeen.. Waxaa Meesha naga raacay aniga iyo walaashay in reer ahaan Aabahay nala ku ximiyo, ama fogeeyo, oo Hooyo iyo Aabe iyo Awoowe, wexey ka kala yimaadaan, saddex reer oo kala duwan.. Waxaana naloo arkaa xoogaa dad shisheeye ah..

Qabtu hadeey dhacday, dadku sidii hore ma ahaan, Hooyo abtigeed oo xertii iyo dariiqadii horjooga, wuxuu noqday hawl gab, wax la’aan daran iyo busaarad ayaa soo food saartay, hooyaday oo abtigeed caruurtiisa ula mid ah ayaa cidii iyo xertiii iyo intii ku noolayd meeshaas u istaagtey oo suuqa u fariisatay, ganacsi biloowday, waxayna biili jirtay khalqigaas oo dhan.. 

Hayeeshee Hooyo oo nala rabtey inaan wax barano, wexey na keentay magaalada maadaama xertu meel ka durugsan deggantahay, Laakiin Awoowe ayaa ku Qasbay iney nasoo celiso, wexeyse shardi uga dhigtay noqoshada iney meel gaar ah na dejiso.. iyadoo Hooyo Buuqa iyo Faquuqa nooga turaysa..

(Hooyo Wexey Nagu ababisay, Ilaahay Janadii Ha geeyee, edebta wanaagsan, inaanan ragga dhex boodin, nooma ay ogoleeen in aan dadka dhexgalno, oo hooydeey waxaay waligeed aheyd dadka akhlaaqda ku dadalo waliba aminsan gacan bir ah ayey nagu qabatay, mana aysan ogalaan jirin gurigeena in ay wiilashaas qarabada ah iyo xerta iyo is dhax yaa caas ay imaadaan).

Waxey nagala dagaalami jirtay anagoo meel socono ama hadlayno in nala arko, waxaa naloo keenay macalin qur’aan, waxaa kaloo jiray sheekh kitaaba noo aqriyo, gabadha Iga waynayd waxaay aheeyd gabar aad iyo aad u dadaal badan, diinta iyo waxbarashada aad u jecel, xaga hoosha guri iyo wax qabatka iyo wax barashadii kuli gacanta ku haysa, nolasheediina ciyaalnimo maysan soo marin, waxaan arki jiray markii habeenkii la jiifto ayadoo inta soo dhuumato faynuus barandada la imaato qur’aanka aqriso!

Wayna fahmad badnayd maasha Alaah, qur’aanka iyo kutubta fiqi way isku waday, qur’anka way dhamaysay, kitabdiina xogaha ayey aqrisatay, wax barshada waxaa u dheeraa dukaan ayey guriga ka furatay, khidmada macalinka, tan sheekha, kutubkii ay rabto waligeed cid uma ay daba fariisan, hooyo abtigeed wuxuu samayn jiray marka ay aadka u yareed wuu ku faani jiray, oo culumada inta isku imaato ayuu dhihi jiray: waydiiya gabadhayda mas’alooyinka fiqiga ah, markaas ayey uga jawaabi jirtay.

Hooyaday ma jeclayn siyaarooyinka iyo Xadrada Guriga lagu qabto, wexey ahayd qof shaqo, maqribka meesha ay ku tukato ayey cishaha ku sugi jirtey ka dibna waan seexan jirney..markeey aragto islaaamaha ciyaalkii oo hurdaysan inta gacmaha kasoo qabataan xadradii fiirsanaayo, wexeey dhihi jirtay: war caruurtaan hurdaysan intee loo wadaa, adinka ma xeshoonaysaan miyaa? maxaad rag bood boodaayo ka fiirinaysaan? 

Waxaanu noqonay sheekh dad ka duwan dadka ay la noolaayeen, xaga tacliinta, akhlaaqda, shaqada, wax walba, maa sha alah, sheekh gabdhii iga waynayd waxay u tagtay awoowe, waxeey tiri in aan macalin keensado ayaan rabaa oo axaadiith ii bilaabo, awoowgeey wuu diiday, wuxuu yiri fiqiga baro, way isaga soo tagtay. 

Sheekh xoogaa ayaa madaxa lasoo qaaday oo sidii hore looma yaro, waxaana waajib noqotay in xijaabka la xidho..Laakiinse dhibku wuxuu yahay in Xijaabku Guriga iyo familyga mamnuuc ka ahaa! lamana arki karin, bal waxaaba loo yaqaaney wax qolo aan fiicnayn ay qaataan oo ay isku aqoonsadaan.

Tan kale waxaa jirtey saxwadii bilabatay ee ilaahay kheyr hasiiyee intii aas aastay iyo culamadii juhdiga iyo dadaalka u galayba oo heerka maanta ay tagantahay soo gaarsiiyey, dadkaas iyo awooowgeey colaad wayn ayaa ka dhaxeeysay, oo aad ayuu u necbaa, gaalo khawaarij, wahaabiyo, waxaas ayuu ugu yeeri jiray.

Marka sheekhow aniga iyo gabadhii walasheey aheyd, anagoo culima kale wax noo sheegin, dugsi kale aan tagin, waxaan waa qalad qofna na dhihin, ayaa Waxa Awoowe wado maskaxdii soo celisay kaligeed, waxaa aniga markaan fikiray u sababeeyey tarbiyadii wanaagsanayd ee hooyaday Khayr Allaha siiyee.. 

Hooyaday ma ahyn qof horta waqti badan nala sheekaysata, mana ahayn reera sheeko, laakiin hadey dhacdo in ay waqti nala qaadato waxeey naga waanin jirtay dulmiga, khiyaanada, beeenta, waxaan xasuustaa qisas badan oo َQur’aanka & Nebiyada Calayhimu Salaam oo hooyaday sida sheeka camal noogu sheegi jirtay oo markaan wax bartay kuli aan qur’aanka iyo axaadiithta ku arkay. 

Wexey kaloo nagu cabsiin jirtey cadaabka, in maskaxdeenna leeg oo aanan marna illaawayn, waxaas ayaa isbiirsaday, insaankana caqli ilaahay wuu siiyey, waxaa anigii iyo gabadhii walaashey ahayd nala qur xanaaday in aan xijaabka qaadano, anagoo labadena inta an isku imaanay dhihin waxaas aan samayno, kadib waa biloownay waaana qarsan jirnay.

Waxaa kaloo aan marnaba la jeclaysan jirin sida aan nahay iyo wax qabsigeena, mar walbana waa nala dareensiin jiray in aan shisheeye nahay oo faquuq hoose ayaa jiray iyo hoos ka guux badan, awoowgeey wiilashiisa inta garaaco ayuu ku qeeylin jiray: war fiiriya gabdhahaas aan aaba garabtaagan lahayn, qof daba socda lahayn heerka ay gareeen.

(Marka sheekhoow ayadoo ay dhibaatooyin badan ay jireeen ayaan anagiina xijaabka qaadanay kadib waxaan dhuumanaba Awoowgay ayeey gaartey, Gabdhihii Xijaabkii ayey qaateen..(Mushkiladii Adduunka ayaa dhacday) Odaygana wax hadal ku celin kara ma jiraan).

Awoowe Aad iyo aad ayuu u carooday, Hooyo intuu u yeeray ayuu mujuq qaylo ka siiyey, Intaa kuma ekaane guriga ayuu yimi, Xijaabyadii ayuu urursaday, Wuxuuna yiri waa gubayaa oo dab suray!

Isma aanan dhibine Mar kale ayaan soo tolanay Xijaabkayagii, hadana sidiyoo kale, markii danbe cidii oo dhan ayuu isugu wacay, anagana waa nala geeyey, wuxuu yiri: gabdhahaan way gaaloobeen, waana dayriyey, qofkii aan ku arkana waa la mid!! maanta ka dibna dayra ayey iga yihiin, dadkii dhan ayaa tuugay, waxaa la yiri gabdhahaan, madayrin karno, ee jidkii aad adiga u tilmaantid ayey raacayaan, ee maanta anagaa kaa haysano, kadib haye ayuu yiri, ee qanduladiii aay qaadan jireen hala ii keeno! bas waa loo geeyey.

Wuxuu yiri hada ayaan ashahaada u qabanayaa, barrina qur’aan ayaa lasaaraa, ka dib sheekh wuxuuu bilaabay in uu toowxiitka noo meeriyo subixiina xertaa la wacay qur’aan ayaa nala saaray.

Hadal badan kadib anaga waxaan dhahnay awoowe haduu diidey xijaabka, oo waa qandul iyo waa dharka ragga yiri, waxaan soo tolanaynaa maro cabaayadaha laga samaysto hal midab ah, baatiyada ka adag, oo dharka laanada la dhoho ah, waxaa layiri: yey wax la isku rido noqonin oo qoladaas yaan loo ekaanin, waayahay ayan niri!!

Waxaan ka dhiganay sidii Xijaabka oo kale, oo meel xarig la xiro ayaan ugu samaynay, qeybtii la toli lahana waa furnay oo sidii go’o oo kale ayaa sidaan loo soo labayey, kadibna si uu u furanin ayan biin yar ku dhajisanay, markii aan xiranay ayuu hadana yiri: maba rabo oo qandulkii naftiisii ha la ii keeno, hadana dabka ayaan saraayaa.. Wexey Noqotay Awoowe iyo Xijaabkii dhexdooda dagaal aan damin inuu ka dhex aloosmo.. Subxaanallaah.. Laakiin Arrine halkaa kuma istaagin sheekhow, ee meela ka sii daran ayey gaartey….

Qore ..Sh.Maxammad Idiris

La Soco….

  
X