Salmaan & Siciid: Qur’aan Baan Wadanaa!! (6) Qore Sh,Maxamed Idiris

Salmaan & Siciid: Qur’aan Baan Wadanaa!! (6)

Qore Sheekh Maxamed Idiris

Asxaabey ayaamihii mashruuca aan fureyney ayaa naga soo dhex galay, dhamaystirka sheekadii Salmaan iyo Siciid, waxaan jeclaan lahaa inaan qaybtan 6aad kusoo gaba gabeeyo, si aaney idiinku dheeraan sheekadu, isla mar ahaantaasna aan sheekooyin kale oo cibra leh ugu xejiyo inshallaah..Laakiin waxaan filayaa iney 2 ama 3 qaybood kale noqoneyso, si dhalinyartu uga faa’iidaystaan inshallaah dhaqsina aan u dhameeyo Ilaahay idankiis..

Qur’aan qofkii wataa saan sheegay wuu qalabaysan yahay, wax ka dhimanina maba jiraan, Ilaahay baa Qur’aanka cisi iyo sharaf, Adduun iyo Aakhiro ka dhigay..Laakiin qofkii ilaahay nuur u yeelo ayaa arka..

Salmaan oo dalkiisi kusoo noqday ayaan mareyney.. aniga laftayda oo qisada qoraya ayaa u riyaaqay oo waxaan ku iri: Salmaanow bal sheekada halkii iiga sii wad waxaan jeclhay in meel fiican ku dabro e..Waxaa dhici karta waxyaaba yar yar oo adiga aan wax weyn kula ahayn inuu qofka qoraaga ah ama saxafiga ahi qisa ka sameeyo.. Waayahay.. 2 koob oo shaaha ayaan inoogu yeeriye sheekada adigu ii wad..
Wuxuu yiri Salmaan: Sheekhow deegaankii iyo waalidkii ayaan agtooda kusoo noqday.. dadku hadey baadiye degaan, wexey u malaynayaan dugsi sare hadaad dhamaysay inaan waxba kuu dhimanayn!! Markaa waalidku wexey yiraahdeen: Shaqa meeshan ka raadso, iska guurso, noloshaada caadi u wado.. Anigana waxaan ku iri: Waxaan rakaynayaa (Deeq Waxbarasho) inaan helo oo dibadda Jaamacad u aado.. 

Aabahay sheekhow ma ahayn nin waxbarasho iskuul maray, laakiin wuxuu ahaa Allaha u naxariistee nin caqli badan, oo diinta jecel.. Wuxuu aniga iyo walaalahay nagula dadaali jirey inaan Qur’aanka xifdinno..Habeenkii wuxuu na dhici jirey: Kaalaya Qur’aankii akhriya, oo casharada diyaariya, horteenna ayuu fariisan jirey waqti dheer, heer uu suuradaha qaar sida aan ugu celcelineyno uu ku xifdiyey..

Waxaan ku iri: Waalidka ii duceeya, magaalada ayaan aadi, cilmi ayaanan raadin, waa la ii duceeyey, dhanka magaalooyinka waaweyn ayaan usoo dhaqaaqay.. waxaan raadiyey shaqo.. ayaamihii hore guri reer ayaan qol ka degey.. waxaa caada ii ahayd markaan salaadda subax masjidka nagu dhow kusoo tukado, inaan guriga Qur’aanka ku akhristo.. Reerkii ayaa haddaba wexey la yaabban yihiin, wiilkan dhalinyarta ah, salaadda subax isagoon cidina kicinayn aadaya, guriga Qur’aanka badan ku akhrisanaya!! aad ayey ii soo dhoweeyeen, ii jeclaadeen, ehel oo kale ayaanu noqonay..

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday wiil ka xanuunsan iney meel geeyeen daawa ah, wexey ku kulmeen Aabahay oo isagana ayaamahaas magaalada wiil aan walaala nahay daawa u keenay..xoogaa ayaa la sheekaystay.. oo wiilkan maahine wiilal kale miyaad leedahay iyo wax la mid ah..iyo haa, oo wiil kale oo aan dhalay ayaa magaaladana jooga. Wexey ku yiraahdeen: Wiil dhalinyara ah oo fiican ayaa xaafadda nala deggan, hadii xoogaa la sii wadey , oo magicii la sheegay, wuxuu ku yiri: Kaasi Waa Wiilkaygi Salmaan!! Maashallaah, ma dhici kartaa..? Alxamdulilaah..

Ayaama ka dib waxaan shaqa ka helay meel yar oo xafiis ah, laakiin waxaan raadinayey (Deeq Wax barasho oo dibadda ah).. Laakiin asxaabta iyo dadka aan meesha kula kulmo ayaa wexey igu oranayeen: Adeer Shahaadadaada waa Carabi, Waana Dibadda, Kuwii Halkan dugsiga sare uga baxay ayaa wax waayey, adiga xagee joogtaa.. Anigana waxaan ku oran jirey, waan helayaa inshallaah..

Ayaama ka dib markaan arjiga geystey, waxaa ii soo baxday deeq wax barasho, laakiin xagee? Waa iiraan, Magaala madaxdeeda: Dahraan!! Aniga markaa shiica iney yihiin waan maqlaa, laakiin sida Soomaali badan Shiica aqoon badan uma lahayn, madhab kale ayaan isaga haystey.. Balse waayahay.. ayaama ka dib boorsooyinka ayaan xir xirtay waxaanan ka degey Magaala Madaxda iiraan ee Dahraan!! Wixii iigu horreeyey markaan garoonka kasoo baxay wexey ahaayeen: Qoraallo waaweyn oo jidka ku qoran..!! Laa..Ilaaha..Illa Laah.. Hadana xoogaa markaad socoto: Muxammadun Rasuulu Laah.. Xoogaa markaad socoto: Caliyun Waliyullaah.. Xoogaa Markaad socoto: Faatima, Al Xassan, Al Xusseyn, Xujajullaah!! Waan yaabey..Waxaa lay geeyey Jaamacadda Dahraan..

Haddaan meeshii degey waxaan arkay dhalinyara kale oo Soomaaliya oo meesha dhigata, qaarna ay leeyihiin, markii hore waxbaa naga dahsoonaa oo waa hanuuney, kana wada iney shiica noqdeen! 

Anfariirkii u horreeyey wuxuu noqday in Masjidka Jaamacadda markaan tagnay duhur ka dib, oo aan damacnay inaan isku jamacsanno, ninkii meesha joogey nagu yiri: Ma Jamaacaysan Kartaan!! guryihiinna mid mid ugu tukada.. Iyagu duhur iyo casar ayey laba laba rakco isku daraan!! Waana inuu tujiyaa nin Aalu beyt ay yiraahdaan!! Meel Sunno ku tukato iyo masjid ay leeyihiin magaalada dhan waan ka weyney oo maba leh ayaa la yiri!! Waxaa nala geeyey magaalada Qum oo saldhigga diineed u ah, qabrigii khumeyni oo sida kacbada ay ugu dheg dhegayaan, qaarna ooyayaan, qaarna dhulka isla dhacayaan.. 

Sheekh war yaanan kugu daalin, 20 cisho markaan joogey, oo aan cariiri intaas ku jiro, waxaan go’aansaday cidna anigoon ku war celin ama la tashan, inaan sida ugu dhaqsa badan meeshaas ka tago, waanan fuliyey, tigid noqosha ah ayaan haystey, alaabtaydaan qaatay waanan kasoo tegey Dahraan iyo Shiico iyo Jaamacadood, waxaanan bartay wexey yihiin!

Mar kale iyo dhulkaygi ayaan kusoo laabtay, aad ayaa dadka qaarkiis ii eedeyeen, war intaad deeq waxbarasho heshay ayaad kasoo noqotay dadkuna wey raadinayaan? Waxaan ku iri: Wax ka khayr badan inuu Ilaahay iigu beddelo ayaan rajaynayaa!! Mar kale ayaan Arji geystey, Sidii ayaana dhacday oo wuxuu ilaahay markiiba iigu soo dhiibey Deeq Wax barasho ee dalka Algeria! Al Xamdulilaah waa dal Muslima oo Caraba oo Sunna ah!

Waxaan mar kale kasoo degey Algeris, Caasimadda Algeria.. Waxaanan tegey Jaamacadeeda.. Waxaa laygu qoray magaala u dhow oo la yiraahdo (Beleeda) faraca ku yaal oo Luqadda Faransiiska lagu barto marka hore..Laakiin waxaa dhacday intaan jidka sii soconey wiil kale ayaa ila socdey, in boorsadaydii oo dhammaan waraaqihii, baasaboorkii, xoogaa yaroo lacaga, wax walbaa ku jireen, lala dego!! Anigoo fara madow oo xitaa aan Jaamacadda la ii ogolayn inaan galo, aan meeshii tegey!! Laakiin waxaan hadda ka hor markii wax dhacaanba aan ku oran jirey Odagii saaxiibkay ahaa aayadda (Casaa an Takrahuu Shey’an wahuwa Kheyrun Lakum) aayaddaas ayaa saamayn weyn anigii igu yeelatay, sidaa darteed ma baasaysan wixii dhacay, ee aayadaas ayaan akhriyey.. Kadibna wax yaable ayaa dhacay…….La soco…7aad

  
X