Raadraaca fufka fikradaha sheelan ee Buuga “Xadka Riddada maxaa ka run ah

Raadraaca fufka fikradaha sheelan ee Buuga “Xadka Riddada maxaa ka run ah
October 19, 2014 - Written by Editor
Horudhac:-Mar aan tagay asbuuci hore magaala London ayaa waxaan la kulamay goob lagu iibinayo Buuga “Xadka Riddada maxaa ka run ah” ee uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil. Waxaan aqriyay buugii, aqris dabadi waxaa isoo wacay labo maalim kadib qoraaga maqaalka “Gar garaad goobaysa” oo iisheegay inuu maqaal ka qoray buuga, kuna faafiyay baraha internetka, oo ay u dheertahay inuu waliba u diray aqoonyahano reer London ah oo intooda badan aan garanayo. Sidoo kale waxaa horay uga hadlay Sh Maxamed Umal waxaana wax ka qoray Sh Maxamed Idiri iyo Culumo kale.

Ujeedo

Qoraalkan waa mid  raadraacaya fufka fikradaha uu buugu xunbaarsanyahay, iyo dulucda, dooda biyi dhaceedu yahay afkaarta guracan ee ku qoran buuga “xadka riddada maxaa ka run ah”. Sidoo kale waxa uu lafagurayaa gafafka ku jira habka iyo hanaanka uu qoraagu u maray daraasadda masaa’isha Shareecada islaamka. Waxaa kaloon soo bandhigi doonaa xeerarka, tubta iyo toobiyaha loo raaco cilmibaarista mas’aasha fiqiga shareecada islaamka. Ugu danbayn waxaan baaq u dirayaa qoraaga buuga in uu ka noqdo khaladaadka uu ka galay diinta islaamka.
Cajiib: Waxaan kaloo dhagaystay Cabdisaciid oo lagu waraystay idaacad soomali ah, kuna andacoonayo inaan culimadu fahmin ulajeedooyinka qoraalkiisa, dana kalane in ay ka leeyihiin dhaleecaynta buuga, wuxuu kaloo youtube ka soo galiyay bayaan uu ku difaacayo aragtida buuga.

Anigoo iskusoo xoorinayo; qoraalka Cabdisaciid(Buuga Riddada maxaa ka runa) difaaciisii ka danbeeyayba, iyo eedaymaha loosoo jeediyay ayaan qoraal naqdi(ilkunaq)ah ku soo bandhigaynaa , sida cabdisaciid ugu gafay diinta islaam iyo mujtamaca soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Xagay sartu ka quruntay?

Si aan u fahanno akhristaw maxaa lagu haystaa buuga, waa in aan is waydiinaa buugu muxuu yahay cinwaankiisa? Muxuu rabaa buugu inuu gaaro oo xukun ama fikrad ah? Hanaankuu u maray si uu natiijo cilmi ku dhisan u gaaro?

Jawaabtu waa: Buugu waxaa cinwaan u ah mas’alo xiriir la leh masaa’ ilka Fiqiga Shareecada Islaamka,”xadka Riddada maxaa ka run ah” waana masalo aan ku cusbayn muslimiinta, haba ahaatee, qoraagu wuxuu xaq u leeyahay inuu mas’aladaa iyo qayrkeedba cilmi baaris ku sameeyo, hadii uu ku qalabaysanyahay hanaanki mujtahidka cilmiga shareecada, asagoo raacayo habka cilmi barista shareecada, Laakiin sidaa ma dhicin!, ee wuxuu isticmaalay manhaj ku dhisan falsafad, asagoo cagta sii marinayo tobanaan mas’aladood oo isugu jiro Tafsiir, Xadiis, Caqiido,Fiqi, Taariikh, Luqad, Qawaacidka Fiqiga, usuul-alfiq … iwm. Natiijaduna waxay noqotay in uu ku gafo masaailkaas oo idil, oo qaarkood xiriirba aysan la lahayn cinwaanka buuga, asagoo waliba burburinayo aasaaska fahamka shareecada ku dhisan ”kitaabka iyo sunaha” iyadoo aadbana moodo in calwinta shareecada ay hadaf u tahay qoraaga, walibanaba is ku qarinayo siigo iyo habaas, indhahana kaga sayrayo xaqiiqada ka muuqato ee caqiido Bi’inta ah.

Baraarujin

Bogga 1aad ee hordhaca buuga waxaa ku qoran ooraahda laga soo guuriyay faylasuufka France u dhashay oo caataabaya, kana ashtakoonayo waaqici uu ku noolaa, Piere Abelard (1079-1142): “Allaa ila og inta jeer ee aan ku fekeray, quus aan joogay darteed, in aan ka qaxo dhulka Masiixida, oo aan aado dhulka cawaanta (oo uu ula jeeday dhulkii muslimiinta) si aan halkaas nabad ugu noolaado, jisyana iska bixiyo, si aniga oo masiixi ah aan ugu dhex noolaado cadowga Masiix.”

Waxaa nasiib wanaag ah inuusan muslim ka sheeganayn ee bal barbar dhiga sheekadan yar.

Akbar Xuseen Ilaah Aabaadi (1846-1921)

Dhanka kale waxaan xasuusanayay inta aan buuga aqrinayay waaqic kale oo xanuunkiisa aqoonyahan muslim ahi uu cabiray asagoo ka caataabayo xaalad dadkiisi iyo dalkiisiba la baday, gaar ahaan sida tacliinta isticmaarka reer galbeedku u maan dhaqday jiilashii ay wax bareen, iyo waliba bi’inta kasmo diimeedkii ay ku dhasheen.

[1]Abulxasan Annadawi oo ka mid ahaa culimada islaamka ee reer hindia wuxuu turjumay gabay xikmad ah oo uu leeyahay qareenkii gabyaaga ahaa Sayid Akbar Xuseen Ilaah Aabaadi (1846-1921) isagoo dadkiisi u caqli celinayo ayuu wuxuu gabaygiisa isku barbardhigay ingriis iyo fircoonki reer masar , asagoo isticmaalayo luqad kajan dhabeed ah, iyo maldah ku bidhaaminba ayuu wuxuu yiri erayo ay macnohoodu yihiin sidatan: “Aaah   Fircoon sixun buu ku tagay,miskiin! Taariikh madaw buu katagay, waxaa u haboonaa inuu dhiso kuliyaad lagu barto aqoonta fircooniga, iyo cilmi baarista qibdhiga(Egyptian knowledge), cilmiga maamulka iyo maaraynta waadiga niil, sidoo kale in la barto taariikhda faraacinada oo ay ku jirto, dhacdooyonka cadli falkooda, hanaanka sinaan ku dhaqa bulshadooda, adeeg wanaaga dalka iyo dadkaba ay u hayaan fircoonadu, iyo sida ay u fidinayaan iftiinka iyo ilayska aqoonta ilbaxnimada ku dhisan, oo ay waliba fahmamsiiyaan horumarka iyo nolol kaabayaalka uu fircoon habeen iyo maalin usoo jeedo hirgalintooda. Haduusan faraacinada ahayna, Niilku waa guri lahaa, oo  dhulku waa qalali lahaa, quudku waa yaraan lahaa, oo qiimaha aadmiguna waa dhici lahaa. Oo intaa maahee waxay ahayd inuu baro wax kastoo aqoon ah intaan ka ahayn taariikhda reer banii Israa’iil -mar hadii lagumaysto- hadaysa dhacdo in la baro! waa in la baro taariikh siloon oon katarjumayn xaqiiqadooda, waana in ay maadadaas dhigaan barayaal reer banuu israa’iil ah, oo  ku mutay shaqadaa(baraha taariikhda) siloonaantooda, iyo madax dhaq horay ay u soo mareen kaasoo ku riday cudur bulsheedka kasdooriyaha loo yaqaan asii ay ayagu u yaqaanaan “maan furnaan”

Wuxuu kusoo gabagabeeyay in fircoon uu fududaa oo uusan ahayn reergalbeedka(European), taasna ay ku qaaday inuu madax goyn iyo saqiir warjeef xal ka dhigo, laakiin faraacinada cusubi(European) waa ka xeelad badan yihiin oo iyagu markay caroodaan madaxa qofka ayay badalaan, anaguna(Asian iyo African) markaan xanaaqno madaxa qofkaan jaraa.

Waxay sheekadu fariin katahay in la ila garawsado in ay muuqato in cudur bulsheedki (kasdooriyaha) ay astaamihiisi muuqdaan kana muuqdaan qoraaga buuga Riddada, waana cadaynaynaa inshaa allaahu, mana aha tuhmo aan qoraaga ku banaysanayno.

Halkan ka Akhriso Maqaalka Raadraaca fufka fikradaha sheelan ee Buuga “Xadka Riddada maxaa ka run ah

Waa socotaa ee lasoco
W/Q:-Moxamed Aadan Cusmaan UK Birmingham

abuukawser@hotmail.com

 

  
X